ODINGA oo sheegay hadal ka farxiyay Somaliland (Sirta Kenya)

Muqdisho (Caasimda Online) – Iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Gobalka Meru ee dalka Kenya Mr Peter Munya uu dowlada Kenya usoo jeediyay in heshiis lala galo maamulka Somaliland, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Ra’isul wasaarihii hore ee dalkaasi Raila Odinga.

Raila Odinga ayaa sheegay inaanu jirin Siyaasad maanaceysa in dowlada Kenya ay xiriir gaar ah la sameyso maamulka Somaliland.

Raila Odinga, waxa uu sheegay in aragti dheer kadib ay usoo baxday in maamulka Somaliland uu buuxiyay dhammaan shuruudahii looga baahnaa, sidaa aawgeedna ay suuragal noqon karto in Kenya iyo Somaliland iska kaashadaan arrimaha la xiriira Amniga, Siyaasada, Ganacsiga iyo wixii la halmaala.

Odinga ayaa hadalkaani ka sheegay xarunta Chatham House qeybta Afrika xili uu halkaasi ka jeedinaayay khudbad ku saabsan muhiimada Nidaamka Dimuqraadiyada u leedahay Afrika.

Raila Odinga, waxa uu sheegay inuu soo dhaweynaayo in maamulka Somaliland uu ka hanaqaado halka uu iminka ka taagan yahay Siyaasadda waxa uuna si gaar ah carabka ugu dhuftay inay fiicnaan laheyd in caalamka uu ictiraaf siiyo maamulka Somaliland ee sida gaarka ah isaga faquuqaaya Somalia inteeda kale..

Raila Odinga, waxa uu sheegay in Xisbigiisa Mucaaradka ah ee loo yaqaan CORD uu si gaar ah u taageeri doono Siyaasada maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Raila Odinga waxa uu soo hadal qaaday haweenayda lagu magacaabo Hillary Clinton ee u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Mareykanka.

Odinga waxa uu sheegay in Hillary Clinton ay xilkaasi isku soo taagtay xili munaasab ah, waxa uuna tilmaamay inuu rejaynayo in Hillary Clinton ku guulaysato madaxtiniimada dalka Maraykanka.

Dhanka kale, waxa uu shucuubta dalka Mareykanka ugu baaqay inay doortaan Hillary Clinton oo uu sheegay inay xaq u leedahay xilkaasi ay isku soo taagtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com