Xog: Gaas oo ku dhow inuu la hishiiyo beesha Cali Saleebaan

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhow inuu hishiis la gaaro gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/Samad Maxamed Gallan, kadib markii gudi gaar ah u xil saaray wadahadalka Gallan.

Gudigaasi oo ka kooban oday dhaqameedyo, culumaa’udiin iyo waxgarad ay isku beel yihiin Mr Gallan, ayaa la sheegayaa iney kulamo gaar ah la qaateen madaxweyne Gaas, waxayna u sheegeen halka ay wax marayaan.

Madaxweyne Gaas oo wadahadalka uu kula jiro Mr Gallan ay qeyb ka yihiin saraakiil Ethiopian ah ayaa u muuqda inuu hishiis la galayo beesha Cali Saleebaan oo uu kasoo jeedo C/Samad Maxamed Gallan, sida wararka aan ku heleyno.

Madaxweyne C/Walli Gaas ayaa gudiga oo kasoo jeeda Beesha Cali saleebaan u sheegay inuu diyaar u yahay dhageysiga tabashada ay qabaan beeshaasi, balse loo baahan yahay inaan amni daro laga dhex abuurin deegaanada Puntland.

C/Samad Gallan ayaa dagaal ku qaaday maamulka madaxweyne C/Welli Gaas, wuxuunna sheegay inuu maamul wanaagsan u sameynayo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com