Faarax C/qaadir oo mar kale xog ka baxshay doorashada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa ka hadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia, waxa uuna sheegay in sharaf ay Soomaalida u tahay in dalkooda ay ku qabsadaan doorashada.

Faarax C/qaadir waxa uu sheegay in caalamka uu xiligii hore aad ula yaabi jiray wadan doorashadiisa ay ka dhaceyso dibadda, balse hadda waxa uu tilmaamay in rajadu ay tahay mid wanaagsan.

Waxa uu sheegay in kalsooni uu ku qabo in doorashada Somalia ay u dhici doonto qaabkii loogu tallo galay waxa uuna amaan dusha ka saaray Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh oo isagu la ah saaxiib dhow.

Faarax waxa uu carab dhabay inaanu u muuqan fashil ku imaankara doorashada 2016-ka waxa uuna cadeeyay in dadaalka dowladu uu yahay in doorashada ay wakhtigeedu dhacdo, haddii laga maarmi waayo dib u dhacna ay dowladu la wadaagi doonto dhinacyada ay arrintaasi khuseyso.

Waxa uu intaa hadalkiisa ku daray in dhowr jeer ay isla qaadadhigeen qaabka doorashada, hayeeshee ay isla fahmeen inaanu wakhtigeeda laga dib marin misna aan la musuqin doorashada.

Rajada ugu badan ayuu sheegay inay tahay in doorashada Somalia aysan saameyn ku yeelan dalka, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in amniga dalka uu faraha ka baxaayo xiliga doorashada.

Haddalka Faarax C/qaadir waxa uu imaanayaa iyadoo maalmahaani uu ahaa mid ku mashquulsan shir heerkiisu sareeyo oo ka dhacay dalka Koonfur Africa, kaasi oo sidoo kale lagu soo hadalqaaday arrimaha doorashooyinka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com