Xiisad u dhaxeyso Biyo-Maal & shirkada Hormud oo ka taagan…

Marko (Caasimada Online) – Wararka aan saaka ka heleyno magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan oo u dhashay beesha Biyo maal ay la wareegeen xarunta Hormuud ee magaalada Marko.

Mid kamid ah ragii hogaaminayay weerarka lagu qabsaday xarunta shirkada Hormuud ee magaalada Marko ayaa sheegay iney ka caroodeen talaabo maamulka sare ee Hormuud uu qaaday kadib markii la badalay maamulihii shirkadaasi ee xarunta Marko.

Ruuxa maamulka Shirkada ee Marko hayay ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo maleeshiyaadka ka carooday badalka lagu sameeyay maamulaha guud, waxaana la sheegay in shirkada ay tababar ugu soo qaaday marka hore magaalada Muqdisho.

Nin magaciisa ku sheegay Cabdi Kiyow oo hogaaminayay maleeshiyaadka la wareegay xarunta Hormuud ayaa sheegay iney iyaga ka dambeeyay waxa dhacay ayna kasoo horjeedaan badalka lagu sameeyay maamulihii shirkada ee magaalada Marko.

“Mas’uulkii hore waxaa Tababar loogu diray magaallaadda Muqdisho, kadibna Mas’uul kale ayaa loo soo magacaabay Maamulka Hormuud Marka” ayuu yiri Taliye Beeleedlaasi oo intaasi ku daray inay damiyeen Qalabkii Isgaarsiinta iyo Matoorka yaalla Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee magaalladda Marka.

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Marko, walow ay jiraan wadahadalo u bilowday maamulka guud ee shirkada iyo maleeshiyaadka xalay shirkada la wareegay, waxaana la sheegayaa in xiisada ay ka bilaabatay markii maamulka Shirkada loo dhiibay ruux kale oo kasoo jeeda beel kale.

Caasimada Online
Xafiiska Marko
Caasimada@live.com