Xog: Xasan oo xil miisaan culus ku iibsaday beesha Habar-Gidir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaalida Cumar C/rashid ayaa 26-kii Bishan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha inuu noqdo Gaashaanle Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), taasoo keentay su’aalo badan oo ku saabsan inuu xilkaasi ka soo dhallaali karo.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arrintan ay ka dambeysay qorshe madaxweyne Xasan Sheekh ugu talogalay inuu khaarijiyo Beesha Habargidir oo dooneysay inay helaan xilka Taliyaha Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda, oo loo magacaabay Gaafow.

Sidaas dartel, Xasan Sheekh ayaa beesha Habar-Gidir oo uu taageero ka rabo doorashada 2016 ku qanciyey xilkan.

Wasiirka Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu yahay ninka keensaday Gaashaanle Koofi in xilkaasi loo magacaabo iyadoo beesha inteeda kale ay diidan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabidda xilalka uu sharci ahaan u lahaa isaga wareejiyay xukuumadda iyo Ra’iisal wasaaraha, inkastoo uu yahay mas’uuuulka rasmi ahaan oo dhan go’aankeeda gaara.

Xasan Sheekh aya maalmahan wada dadaal uu ku iibsanayo beelo badan, hase yeeshee intooda bada way diideen marka laga reebo xubno yar oo dhuuntooda u shaqeynaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com