Erdogan oo qaatay go’aan ay la fajaceen shacabka dalka Turkiga

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha wadanka Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan ayaa si lama filaan ah u qaatay go’aan uu kaga laabanaayo dacwad uu dhawaan ka gudbiyay danbiilayaal tiradooda kor u dhaafeysa 2,000 kuwaasi oo u gafay dadnimadiisa.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu awood u leeyahay in shaqsiyaadkaasi la tiigsado Maxkamada sare ee dalka, balse uu go’aansaday inuu cafis u fidiyo kuwa isaga shaqsiyadiisa ku mashquulay inta uu socday Afganbiga.

Erdogan waxa uu tilmaamay inuu la socdo talaabo waliba oo dalkiisa ka dhacay, waxa uuna tusaale usoo qaatay kuwa u gafay inay kamid yihiin sida kuwa ku shaqeysta sawirka Kartoonka, Suxufiyiin Idaacadaha maxaliga ka faafiyay warar aan munaasib aheyn inta uu socday Afganbiga iyo shaqsiyaad kale oo haddalo xun u mariyay Tv-yada iyo Idaacadaha mucaaradka.

Waxa uu sheegay inuu dib u laqay wixii dacwad ah ee uu u qabay kuwa isaga fadeexeeyay misna kula kacay sida shaqsi aan kusoo laaban doonin xilka.

Go’aanka uu Erdogan ku cafiyay shaqsiyaadkaasi ayaa waxa uu soo jiitay inta badan Shacbiga dalkaasi, oo iyagu aad uga yaabay kalsoonida uu muujiyay Erdogan.

Erdogan ayaa sababta cafiska ku sheegay muujinta kalsoonida, isku duubni iyo midnimo, waxa uuna sidoo kale cadeeyay in xor uu u yahay inuu cafiyo wixii khuseeya shaqsiyadiisa balse uusan awood u laheyn inuu cafiyo kuwa danbiga ka galay Qaranka Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com