Xog: Guddiga doorashada 2016 oo arrin yaab go’aan ku gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada heer Federaal oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Madasha Qaran ee wadatashiga ayaa la yimid qorshe lama filaan ah oo ay ku doonayaan in Doorashada waqtigeeda dib loo dhigo.

Guddigan oo ka kooban 22 xubnood waxay shirar joogto ah kadib go’aan ku gaareen inaysan doorashadu ku dhici karin waqtiga qorsheysan isla markaan ay u baahan yihiin 2 ilaa saddex bilood oo dheeraad ah, waxaana codsigooga ay ka dhaadhiciyeen Beesha caalamka kadib markii ay dhowaan kulan la yeesheen Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.

Madasha Qaran oo lagu waday inay Muqdisho ku shirto 17-kii July ayaa shirkooda marar badan dib u dhac ku yimid, iyagoo ka war sugaya Guddiga Doorashada cusub, waxaana lagu wadaa in horaanta Bisha August ay isugu yimaadaam Muqdisho si arrintan ay go’aan uga gaaraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda maamulada ayaa si buuxda hoosta uga wada qorshahhn, waxaana guddiga Doorashada ugu jira xubno si toos ah uga shaqeeya xafiisyadooda oo ku xiran.

Qorshaha dib u dhigista Doorashada 2016 ayaa ah qodob ay in badan ku celceliyaan Golaha Ammaanka iyo dowladda Soomaaliya inaysan dib uga dhici doonin xilligeeda, balse waxaa muuqata in mar kale lagu fashilmay arrintii ugu weyneyd ee muddo kororsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com