Xog: QM oo deyr ka muujisay siyaasada Xasan iyo dowladiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeneyda dowlada Mareykanka u fadhisay xarunta QM ee lagu magacaabo Samantha Power, ayaa dhaliil ka muujisay hanaanka siyaasadeed ee dowlada Somalia.

Samantha Power, oo ka hadleysay dhinacyo farabadan ayaa waxa ay soo qaadatay qodob ah Siyaasada jilicsan ee Somalia iyo hanaanka shaqo ee madaxda dowlada Somalia.

Samantha Power, waxa ay Madaxweynaha dalka iyo Xubnaha ka hooseeya ku dhaliishay rabitaan la’aanta Siyaasad howlkar ah si looga talaabo siyaasada Jilicsan ee ka jirta Somalia taa oo galaafatay xaalada dhabta ah ee dalka ka jirta.

”Madaxda Soomaalida ee ugu sareysa waa in marka hore ay muujiyaan jilicsanaan, midnimo iyo howlkarnimo, waa inay muujiyaan Rabitaan Siyaasadeed si loo sameeyo awood dowladeed oo ballaaran iyo in la horumariyo hay’addo dimuqraadi ee shaqaynayo”

Nabad xumida ka jirto Somalia, ayay sheegtay in muddo kooban looga tallaabi karo waa haddii ay madaxda Soomaalida la imaadan talaabooyin ku wacan siyaasadda ka jirta gayiga Somalia.

Danjire Samantha Power, waxa ay intaa raacisay inay dareemeyso gaabis ka jira dhanka Madaxweyne Xassan Sheekh iyo dowladiisa oo aan wali ku guuleysan hanaanka Siyaasadeed tan jilicsan iyo mida adagba, waxa ayna meesha ka saartay in la qaaday tallaabooyin lagu taabagalinaayo Tababarista Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed, sida warbixinta ku xusan.

Dhanka kale, waxa ay tilmaantay in dowlada Somalia aysan ka mirro dhalin xuquuqda aadamiga, maamulka iyo in awooda dowlada laga dhaqan galiyo deegaanada kale ee aan ku jirin gacanta dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com