Khilaaf heer qabiil gaaray oo ka dhex curtay Jen. Gaafow iyo Koofi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray dhanka Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, ayaa sheegaya in khilaaf adag uu ka dhextaagan yahay Taliyihii hore ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ahna Taliyaha NISA Jeneraal Gaafow iyo Taliyaha cusub ee loo magacaabay Hay’ada Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Khilaafka Jeneraal Gaafow iyo Koofi oo gaaray Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh ayaa waxaa loo sababeynayaa kadib markii Gaafow uu muran ka keenay xilka Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee lagu wareejiyay Koofi.

Jeneraal Gaafow, ayaa isaga ku doodaaya in Madaxweynaha dalka uu la dheelay khiyaano, islamarkaana go’aankiisa uu ahaa inta xal laga gaaraayo uu sii hayo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha maadaama uusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay ee NISA.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa waxaa sii saraqaaday kadib markii Taliyaha NISA Jeneraal Gaafow uu dalbaday in Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia la hoosgeeyo Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, sida aan wararka ku helnay.

Sidoo kale, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa ka biya diidan in Hay’adda loo magacaabay la hoosgeeyo Taliska NISA si loo koontaroolo dhaqdhaqaaqa Hay’adaasi.

Dacwadaani oo gaartay Xafiiska Madaxweynaha Somalia, ayaa waxan jirin wax jawaab ah oo kasoo baxday Xassan Sheekh.

Marka la eego sharciga Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa si toos ah u hoostagta Taliska Sirdoonka Somalia.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu gaaray heer qabiil, waxa ayna xalinta khilaafka uu yahay mid u xaniban Madaxweynaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com