Doorashada 2016 oo laga cabsi qabo inay ka dhex dhacdo arrin….

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan magaalada Muqdisho laga hadal hayaa dib u dhaca ku imaan kara doorashada dalka ee xiliga lagu ballansanaa ay waxyar un ka harsan tahay.

Dadka intiisa badan ayaa hadal haya suuragalnimada in dib u dhaca doorashada uu ku daato dhiig, sababo la xiriira hanjabaadaha ay hawada isu marinayaan dowlada Somalia, dhinacyada hubeysan iyo Axsaabta dalka ee caburinta uu ku hayo Xassan Sheekh.

Dib u dhac ku imaada doorashada dalka ayaa waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dalka uu ka dilaaco Kooxo ka madax-banaan garabyada iska soo horjeeda ee dalka isku heysta kuwaasi oo u abaabulan qaab beeleed.

Dib u dhaca doorasho ayaa waxaa ka dhex dhalankara Kooxo kala ceyn ah oo gabi ahaantooda u hanqal taagaya inay afka carada u galshaan dowlada Somalia ee iminka jirta, waa haddii ay dhacdo in wakhti kororsi iyo dib u dhac aan leysla fahmin ay ku kacdo dowlada iminka uu hogaamiyo Xassan Sheekh.

Waxaa sidoo kale dib u dhaca doorashada ka dhalankara dilalka ku saleysan Siyaasada oo sarakaca iyo in warbaahinta ay isku adeegsadaan dhinacyada ku jira loolanka sida DFS iyo Musharaxiinta hubeysan.

Sidoo kale, dadka daraaseya Siyaasada ayaa qaba in fari aysan ka qodnaan doonin qatarta ka dhalankarta dib u dhaca doorasho, waa haddii ay dowlada Somalia garanweyso xaalada uu dalka ku jiro.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxtooyada Somalia ayaa iminka dajisay jadwal cusub oo ay ku dib dhigi doonto doorashada dalka kaasi oo la qorsheynaayo in lagu go’aamiyo shirka la filaayo in madasha Qaranka uu uga furmo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com