XOG: Mooshin laga gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka K/G

Baydhabo (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka koofur Galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo waxay ku sheegeen iney mooshin ka gudbiyeen gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed uu jibiyay qodobo dastuuri ah ayna diyaariyeen mooshin ka dhan ah oo uu xilka ku weyn karo afhayeenka baarlamaanka maamulka Koofur galbeed.

Xasan Macalin Yuusuf oo kamid ah xildhibaanada kulanka ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in gudoomiye C/qadir Shariif Sheekhunaa uu ku xad gudbtay qodobo Dastuuri ah oo uu kamid yahay qodobka 41 oo dhigaya in xildhibaanada koofur Galbeed sanadkii ay yeeshaan 2 kalfadhi.

“Waxaa kulan isugu yimid Xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed xubno ka mid ah, islamarkaana ajendahooda yahay inay ka wada hadlaan waxa ka dhacaya baarlamaanka Koonfur Galbeed taas oo sababtay in xubno ka mid ah xildhibaannada ay soo gudbiyaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed taas oo ay xildhibaannadan u cuskadeen markii uu jabiyey qodob Dastuuri ah”ayuu yiri xildhibaanka.

“odobka 41-aad islamarkaana sheegayey in baarlamaanka sanadkii uu yeelanayo 2 fadhi oo midkii uu soconayo muddo Afar bil ah sida aan la wada soconno baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa uu dhisnaa 8 bil, mana jirto wax kalfadhi ah oo uu yeeshay, sidoo kale aan la sameyn guddi hoosaadyadii baarlamaanka, markii aan aragnay in shaqadii loo idmaday guddoomiyaha, sidaa darteed waxaan go’aansannay inaan keenno mooshinkaan oo ay nala ogaadaan shacabka ku nool deegaankan Koonfur Galbeed” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa dhisan inka badan 8 bilood, waxaana xildhibaanada ay sheegayaan ineysan jirin wali kulamo toos ah oo xildhibaanada ay yeesheen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com