Is-barbar dhig: Awoodaha militari ee Somalia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeyska Global FirePower oo ka faalooda awoodaha militeri ee caalamka ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray waxuu ku soo bandhigay liis muujinaya farqiga u dhaxeeya awoodaha militeri ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya haatan waxaa ka dhexeeya khilaaf culus oo salka ku haya lahaanshaha dhul isugu jira badd iyo berri oo dhaca halka ay isaga darsamaan labada dal, mana jiro xuduud ay isla ogolyihiin oo u dhaxeeya, maadaama gumeystihii Ingiriiska uu Kenya siiyey qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Warbixintaan oo lagu eegayo arrimo badan oo ku saabsan xogta labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujineysa in tiro ahaan ciidamada labada dal ay aad usugu dhawyihiin.

Waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca militeriga. Waxaana ku hor-mareynaa awooda ciidan ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha militeri ee 138 dal oo caalamka ka tirsan.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliyeed qiyaas ahaan waa 11,258,029 oo qof.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 qof, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud ee Soomaaliya.

1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay hadda ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaarto heer ay ciidanka ku biiri karaan waa 121,598-qof.

Tirada ciidanka militeriga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah militeriga Soomaaliya.

Awoodda Ciidanka Cirka ee Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma lahan awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda militeri ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay

10 taangi.

100 gawaarida gaashaaman ah.

Soomaaliya ma lahan madaafiicda iskood isku haga.

30 madaafiicda la jiido ah.

10 qalabka lagu rikabo gantaallada.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baara toona.

Wax soo saarka Saliidda ee Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.

Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.

Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $5,300,000,000.

Juqraafi ahaan dhulka Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 KM.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 KM.

Xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto dalalka kale waa 2,385 KM.

Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

 

Dhanka Kenya

Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha militeri ee wadamada, oo ka kooban 138 dal.

Tirada guud ee shacabka Kenya waxay ka badan yihiin 48 milyan,

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 qof, kuwaas oo u dhigma 40.5%, oo ka mid ah shacabka guud ee Kenya.

12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay hadda ka mid noqdaan ciidanka qalabka sida ee Kenya.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaarto heer ay ciidanka ku biiri karaan waa 848,370 qof.

Tirada ciidanka militeriga Kenya ee hadda shaqeeya qiyaastii waa 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah militeriga Kenya.

Awoodda Ciidanka Cirka ee Kenya

Isku darka 150 diyaaradood ayey leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya.

17 ka mid ah diyaaradahaas ayaa ah nooca dagaalka.

20 waxay kala gudbiyaan saanadda military.

32 waa diyaaradaha tababarka.

2 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah.

79 waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”.

Awoodda Ciidamada Dhulka ee Kenya

Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin:

76 taangi.

479 gawaarida gaashaaman ah.

30 madaafiicda iskood isu haga ah.

25 madaafiicda la jiido ah.

Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido.

Awoodda Ciidamada Badda ee Kenya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19.

7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Kenya ma lahan Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga ee Kenya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $27,590,000,000.

Juqraafi ahaan dhulka Kenya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 580,367 KM.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 536 KM.

Xuduudda ay Kenya la wadaagto wadamada kale waa 3,457 KM.

Kenya ma lahan marin biyoodyo la isticmaali karo.