Somaliland: Xiisada Saylici iyo Saajin oo kasii dartay

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa kasii dareysa xiisada muddooyinkii u dambeeyay ka dhex aloosneyd madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirkiisa ganacsiga, Maxamed Saajin, kaasi oo la xiriira loolanka adag ee ay ugu jiraan kursiga Afraad ee hogaanka xisbiga Kulmiye.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, gebi ahaanba waxa fashil ku dhamaaday waan-waan maalmihii u dambeeysay laga dhex waday labada mas’uul oo xiisadooda meel sarre ay gaartay, iyada oo uu ka gaabsaday madaxweyne Muuse Biixi kala saarista laboodaba.

Kursiga ay labada mas’uul ku tartamayaan ayaa waxa muddo ku siman toban sanno ku fadhiyay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, oo xiligan uu kula tartamayo Wasiir Maxamed Saajin.

Toddobaadyadii u dambeeyay oo dhan waxa socday dedaallo lagu doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labadan mas’uul, laakiin dedaalladaasi ayaa gebi ahaanba noqday hal bacaad lagu lisay.

Saylici iyo Saajin oo tan iyo markii uu loolankoodu bilaabmay aan yeelan kulan toos ah ayaa si weyn u sii kala fogaanaya, iyada oo loolanka u dhaxeeya labadan mas’uul si weyn looga dareemayo gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal.

Waxayna muddooyinkii u dambeeyay la arkayay iyaga oo weerar afka ah isku marinaya warbaahinta, midaasi oo kor usii qaaday loolanka xoogan ee ka dhex aloosan labada mas’uul.

Loolanka xoogan ee labadooda ka dhaxeeya ayaa soo afmeermi doona 4-ta bisha soo socota ee October, oo uu dhacayo shirweynaha xisbiga Kulmiye, xili u jiro tafaraaruq badan oo dhanka beelaha gobolka Awdal iyo mida golaha dhexe ee xisbiga, oo ka dhashay xiisadan.

Shirweynahaasi ayaa noqonaya midkii 4-aad ee xisbiga Kulmiye, waxayna mudaneyaasha golaha dhexe ee xisbigaasi dooran doonaan hogaanka xisbiga tallada haya ee u tartami doona doorashada soo socota.