Dibad-baxyada ka dhanka ah ciidamada Kenya oo ku sii xoogeystay gobolka Gedo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dibad-baxyada ka dhanka ah ciidamada dalka Kenya ee ka socda gobolka Gedo ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, kuwaas oo ka dhashay, kadib toogasho ay ciidamadaas u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Banaan-baxyada oo galay maalintii saddexaad ayaa saaka markale dib uga billowday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Boqolaal shacab ah oo ka careysan dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada Kenya ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaaladaasi, si ay u cabiraan daroonkooda.

Sidoo kale dibad-baxyadan ayaa saameyn ballaaran waxa ay ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada iyo ganacsiga.

Dadka dhigaya dibad-baxa ayaa ku qeylinayo erayo ka dhan ciidamada Kenya, waxayna dalbanayaan in gabi ahaan laga saaro dalka oo dhan.

Kacdoonka ay wadaan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa ka dhashay, kadib markii saddex qof oo shacab ahaa ay ciidamada Kenya ku dileen duleedka degmada Ceelwaaq.

Si kastaba ha’ahaatee dibad-baxyada oo sii xoogeysanaya ayaa dhinaca kale ciidamada Kenya waxa weli wadaan dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka, iyaga afar qof oo kale saacadihii la soo dhaafay ka afduubtay deegaanka Daaru-Salaan ee gobolka Gedo.