Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay guriga Cali Guudlaawe ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal socday muddo kooban ayaa maanta ka dhacay hooyga uu magaalada Muqdisho ka dagan-yahay madaxweyne ku xigeenla dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Gudlaawe Xuseen.

Guriga Cali Guudlaawe ee uu dagaalku ka dhacay ayaa ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Dagaalkaan ayaa dhacay gelinkii dambe ee maanta, waxuuna u dhaxeeyay ciidamo ay kala hoggaaminayeen sarkaal magaciisa lagu soo koobay Shataqey oo ka tirsan militeriga Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada Hir-Shabeelle Nuur Dheere.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacabka ah ayaa ku geeriyooday is rasaaseyntaas ciidamada dhex martay, waxaana jira dhaawacyo soo kala gaaray, sida ay noo sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay isku dhaca ciidamadaas ay kala hoggaaminayeen saraakiishan, mas’uuliyiin ku dhaw madaxtooyada Hir-Shabeelle oo aan wax ka weydiinana waa ay ka gaab-sadeen.

Wax yar un kadib, xilliga ay is-rasaaseyntu dhacday waxaa la sheegay in goonta uu gaaray Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, kaas oo kala dhex galay labada dhinac, welina ma jirto cid faahfaafin ka bixisay dhacdadaas.