Xog: Khilaaf culus oo ka dhex qarxay QOOR QOOR iyo saraakiisha beesha Ceyr

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Khilaafkan ayaa salka ku haya gadiidkii iyo hubkii Ahlu-Sunna oo mar kale ku laabtay gacanta Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame, oo horay u ahaa taliyihii ciidamadii Ahlu-Sunna ee markii dambe ay la wareegtay dowladda federaalka.

Hubkan iyo gaadiidka khilaafka dhaliyey waa kii u dambeeyey ee lagala wareegay hoggaanka ururkii Ahlu-Sunna, oo si awood ah hub ka dhigis loogu sameeyey, kadib markii lagu weeraray xaruntii ay ka deganaayeen magaalada Dhuusamareeb ee Inji.

Gaadiidkaan, oo gaaraya shan Cabdi-bile iyo qoryo u badan Dhashiikayaal iyo BKM ayaa markii lagala wareegay Ahlu-Sunna, waxaa lagu xareeyey madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo uu deganyahay Madaxweyne Qoor Qoor.

Najiib Xirsi Dhoore oo ahaa Taliyaha ciidamada madaxtooyada Galmudug ayaa gaadiidka iyo hubka Ahlu-Sunna ee ku xareysnaa madaxtooyada waxa uu ku wareejiyey Jeneraal Mascuud, intii uu madaxweyne Qoor Qoor ku maqnaa magaalada Muqdisho.

Intaas kadib waxaa qarxay khilaaf culus oo soo kala dhex galay Taliyihii ciidanka madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore iyo Madaxweyne Qoor Qoor, waxuuna Qoor Qoor aad uga xumaaday in hubkaas uu galay gacanta Janankii hoggaamin jiray ciidamadii Ahlu-Sunna, haatana ah Taliyaha guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya Mascuud Maxamed Warsame.

Najiib Xirsi Dhoore ayaa shalay iska casilay xilkii taliyaha ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Galmudug, waxuuna madaxweyne Qoor Qoor si ku meel gaar ah xilkaas ugu magacaabay Maxamed Gaanyac oo ahaa Taliyihii NISA ee degmada Gurceel.

Waxaa jira is xulufeysi aad u culus oo ay sameysteen saraakiisha beesha Ceyr ee kala ah Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame oo ah taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, G/Dhexe Cabdullahi Cabdi Raage oo ah taliya qeybta NISA ee gobolka Galgaduud, Najiib Xirsi Dhoore oo ahaa taliyihii madaxtooyada Galmudug iyo saraakiil kale, kuwaas oo dhamantood si toos ah u hoos taga qeybha ciidanka ee dowladda federaalka.

Hubkii iyo gaadiidkii Ahlu-Sunna ee laga bixiyey madaxtooyada Galmudug ayaa la geeyey magaalada Gurceel oo saraakiishan awood buuxda ay ku leeyihiin.

Horay waxaa deegaanka uga taagnaa khilaaf u dhaxeeyey saraakiishan iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo haatan dantu biday aas-aasidda ciidan daraawiish ah oo ay yeelato Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta ka baxay Dhuusamareeb, isagoo gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad u badneyd ka mahad celinta soo dhaweyntiisa.

Madaxweyne Qoor Qoor oo qeybta u dambeysa hadalkiisa laga dhadhansanayey culeyska uu ku hayo khilaafkaas ayaa yiri, “Waxii xumaan-wada oo nabadda, wanaaga iyo guusha aan gaarnay raali aan ka aheyn, xoogna waan isaga qabaneynaa xeelna waan isaga qabaneynaa.”

Waaberigii hore ee saakay ayaa 200 askari oo ka tirsan booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad waxaa laga dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo diyaarad looga soo qaaday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa la sheegay in dowladda dhexe uu ka dalbaday ciidamadan, kadib markii uu dareemay culeyska ka soo wajahay saraakiishaas, waxaana hoggaaminaya Farxaan Qaroole taliyaha guud ee Haramcad, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Galmudug.