Is-barbardhig: Zenawi iyo siyaasiyiinta Soomaalida ee PhD-yada haysta (Aqri)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi waxa uu ahaa mid ka mida hoggaamiyeyaashii ugu siyaasadda qotada dheeraa ee soo mara mandiqadda Geeska Africa qarnigan 21-aad.

Zenawi waxa uu talada Itoobiya 1991-kii ku qabsaday jabhado hubeysnaa oo uu hormuud u ahaa isaga oo saldhigiisu ugu weynaa ahaa Soomaaliya.

Xilligaas waxa uu la dagaalmayey oo uu xukunka ka tuuray madaxweynihii kacaankii derkiga ahaa hogaaminayey Mengistu Haile Mariam.

Meles waxa uu ka hirgaliyey Itoobiya nidaamka Federaal-ka ah ee ku dhisan qowmiyadaha, waxa ayna sumad u noqotay Itoobiyadda casriga ah.

Ka hor inta uusan geeriyoon Meles oo lagu eedeyn jiray farogalintii qaawaneyd ee uu ku hayey siyaasadda Soomaaliya waxa uu dalkiisa gaarsiiyey horumar ballaaran laguna tilmaami karo kii ugu baaxadda weynaa ee uu dal ka sameeyo Bariga Africa.

Itoobiya waxaa hadda lagu tilmaamaa China-ha Africa marka la eego sida uu dhaqaaleheedu u kobcayo.

Hadaba, halkee ayey gaarsiisneyd heerkiisii waxbarasho?

Sida laga soo xiganayo Dr Saadiq Enow oo soo noqday wasiirkii caafimaadka ee Puntland,  Meles Zenawi waxa uu ku noolaa Muqdisho kahor inta uusan qabsan Itoobiya oo uu ka waday dhaq dhaqaaqiisii jabhadeynta.

Zanawi oo daganaa Hotel Curubo waxa uu galay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed isaga oo iska diiwaan galiyey kuliyadda caafimaadka (Medicine) balse wuu ku guuldarreystay in uu wado, hadana waxa uu iska diiwaan galiyey kuliyad kale iyadiina wuu ku fashilmay!

Taas oo ay jirto, hadana waxa uu ku guuleystay siyaasaddii dalkiisa!

Dr. Saadiq Eenow waxa uu markaa is barbar dhig ku sameynayey siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaarkood haysta shahaadooyinka ugu sarreeya ee tacliinta sida PhD-da balse ku falshilmay siyaasadda! Ayaga oo aqoon ilaah siiyey, ayey intii ay bulshadooda ku bad-baadin lahaayeen ka doorbideen qabyaalad iyo qoys jaceyl.

Soo lama oran karo Meles oo ku fashilmay waxbarashadiisii waxa uu ku guuleystay siyaasaddii, halka siyaasiyiinteena ay ku guuleystay waxbarashada oo qaarkood  ay haystaan PhD-yo ay ku guuldarreysteen siyaasadda?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com