Is-beddel lama filaan ah oo lagu sammeeyey XISBIGA cusub ee Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbi siyaasadeedka cusub ee magaalada Muqdisho laga sameeyey, islamarkaana uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sameeyey isbeddel lama filaan ah oo dhinaca magaca ah.

Xisbigan oo magaciisa hore uu ahaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda ama Union for Peace an Democracy (UPD), ayaa waxaa loo beddelay Midowga Nabadda iyo Horumarka ama Union for Peace an Development (UPD), kadib markii muran la geliyey laguna qabsaday magacii hore.

Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa markii xisbigaas lagu dhawaaqay durba sheegtay in magaca xisbiga uu leeyahay isaga, islamarkaana kooxda Xasan Sheekh ay bililiqeysatay. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya inuu magacaas isaga la baxay sanaddii 2011.

Kooxda Xasan Sheekh ayaa markii hore ku doodday in magaca ay qaadaan karaan maadaama uusan Cabdullaahi Sheekh Xasan si rasmi ah u diiwaan gashan. Si kastaba waxaa hadda muuqata inay magacaas ka tanaasuleen una daayeen Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Xisbiga cusub ee Union for Peace an Development (UPD) ayaa waxaa si rasmi loogu dhawaaqi doonaa xaflad weyn oo maalinta khamiista ah lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xisbigan cusub ayaa waxaa ku midoobay kooxaha Damu-Jadiid, Daljir iyo Kutladda Horusocod, waxaana la sheegay inay xubno ka yihiin ilaa 80 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com