Dhambaal ku socda Shariif Xasan Sheekh Aadan (Aqri)

Dhambaalkaani wuxuu ku socdaa  Madaxa Dowlad Goboleedka K/Galbeed Shariif Xasan Sh.Aadan, waana tusaale iyo wax xasuusin  laga yaabo inay anfacdo isaga iyo wixi la jaanqaada.

Waxaa jiray beri nin nolosha aad ugu dhibtooday oo ugu dambeynti go’aan ku gaaray inuu is-dilo.  Asagoo socda meel xeeba ee u dhaw jabal ama buur uu rabay inuu iska tuuro, ayaa waxaa ka hor yimid nin aad u lebis fiican oo weydiiyay “xageed ku socotaa”..markaasuu ku yiri “waxaan rabaa inaan is-dilo oo noloshi ayaa aad iigu adkaatay”..

Ninkiibaa ugu jawaabay “waxba ha-isdilin, aniga waxaan ahay MALAKUL MOWT wixi manta ka dambeeyana waad I arki doontaa ee  qofki aan ka fadhiyo lugaha waa ruux nolaa naaya ee Qur’aan saar, lacagna ka qaado…laakin qofki aan madaxa ka fadhiyo u sheeg dadkiisa in qofkaani ay tiisi gashay”.

Ninkii wuxuu naqday maal-qabeen la wada yaqaanno magac fiican iyo ictiraaf ku yeeshay bulshadi oo dadki oo dhan ay radinayaan.  Maalinti dambe ayuu xanuunsaday markaasaa MALAKUL MOWTKI ka soo fadhiistay madaxa..markaasuu lugaha xejiyay..Malaki waa soo wareegtay uu madaxi ka fadhiistay..markaasuu isku dayay inuu lugaha u wareejiyo…markaasaa la yiri manta ama madaxa I xeji ama lugaha manta waa maalintaadi ee bal xasuuso maalinti aan kaa soo celiyay inaad is-disho!!!

Haddaba Shariif Xasan manta waa maalintaadi, ma ahan saadaalin inay dhimaneyso, ee ama Baydhabo ka dhuumo ama god qodo ee gal waxaa la soo gaaray xilligaad socoheysay ee Ilaahey dembi dhaaf weydiiso iyo inaad ka sabarto jagadaan dhibka badan kaa qanciyo waayoo dadka ku taagersan iyo kuwa kaa soo horjeeda waxaa laga yaabaa in tiro ahaan ay isla egyihiin..waxaana iga tala ah inad dadka ka qariso wejigaaga ood meel kale raadsato iskana illawdo ood isku qanciso in Madaxweyennimo dambe iyo adiga aad kala socoteen…ma laga yaabaa inaad ku qanacdo hadalkaan oon wax dan ah ka lahayn Koofur/Galbeed ciddi madax ka noqota.

W/Q: Axmad Calasow