Axmed DAACI oo si adag uga hadlay go’aanka isku biirinta NISA iyo booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaliilo kala duwan oo dhanka amniga ah ayaa waxa ay kasoo baxayan isku biirida ciidamada labisan ee Hay’adda NISA iyo kuwa Booliska Somalia.

Dadka qaar ayaa dowlada Somalia ku dhaliilay inay ku fududaatay isku darka labada ciidan oo kala quwad badnaa, iyadoo isku darkooda lagu sheegay mid wiiqay amniga Muqdisho.

Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo mar soo noqday Guddoomiye degmo ayaa kamid ah dadka sida aadka ah u dhaliilay isku darka labada ciidan.

Axmed Daaci, waxa uu sheegay in talaabadaasi ay tahay mid lagu fududaaday, isagoo soo jeediyay in dowlada Somalia ay sameyso ciidamo u dhigmi kara kuwa la burburiyay.

Axmed Daaci, oo la hadlaayay idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amni darada ka jirta magaalada Muqdisho ay u sababtahay burburinta ciidamada NISA ee lagu daray Booliska, waxa uuna cadeeyay in amni darada jirta ay gaartay meel xun.

Waxa uu xusay in koox bistoolad wadata ay dilal ka geystaan Muqdisho, taasina  ay tahay mid aad looga xumaado maadaama ciidamada aadka looga baqi jiray ay ahaayen kuwa NISA.

“Waan dareemi karnaa howsha ay ciidamada NISA ee lagu daray Booliska u hayeen Muqdisho, NISA iyo Boolis isma qaadan karaan waayo Booliska ma sameyn karaan waxyaabo badan oo ay sameynayeen ciidamada Nabadsugida”

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhay mudooyinkii ugu dambeeyay dilal qorsheysan oo ay geystaan Kooxo kala ceyn ah oo Bistoolado ku hubeysan kuwaa oo qaabab silac ah u dila dhalinyarada.

Hadalka Axmed Daaci ayaa kusoo beegmaya xili amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid faraha kasii baxaaya, waxaana xusid mudan in ay kordhayaan dilalka bareerka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com