ABIY AXMED oo shaaciyay sababta ku qasbeysa xal raadinta dalka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay ku khasban tahay inay xal waara u raadiso dalalka dhaca Qaarada madow ee colaaduhu ka jiran.

Ra’isul wasaare Abiye oo ka qeybgalaayay shir looga hadlaayay Amniga iyo Xasiloonida ayaa sheegay in dowladiisa ay ahmiyad gaara siineyso degnaanshiyaha dowladaha kale ee Africa.

Abiy Axmed, waxa uu sababta ku sheegay in nabad la’aanta ka jirta wadamada deriska la’ah dalkiisa ay saameyn xoogan ku yeelankarto Ethiopia, waxa uuna carab dhabay in Nabadda Ethiopia ay tahay mid ku xiran tan Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay doonayaan in Ethiopia ay hesho Nabad iyo Xasilooni balse taasi ay ku imaankarto keliya iyaga oo marka hore Nabad iyo wada shaqeyn ka dhex abuura dalalka ku hareersan Ethiopia iyo kuwa aan ku hareereysneen.

Nabada Ethiopia ayuu sheegay inay tahay mid ku xiran Nabad ka dhalata Somalia iyo South Sudan oo uu cadeeyay inay saameyn ku yeelan karaan Ethiopia oo iminka nabdoon.

“Nabada Ethiopia waxa ay ku xiran tahay Somalia iyo South Sudan oo helaa degnaanshi, maxaa yeelay waxa aanu wadaagnaa soohdin dalka deriska kula ah oo aan heysan Nabad waxa ay meesha ka saareysaa in adigana aad heshaa Nabad”

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladiisa ay dhibka intaa la’eg u martay sida ay Ethiopia ku heli laheyd nabad waarta, waxa uuna meesha ka saaray inay ka raali noqon doonaan carqalad loo geysto amniga.

Waxa uu tusaale usoo qaatay qaar kamid ah dhalinyarada dalkiisa oo caqabad ku ah amniga hase yeeshee waxa uu ku goodiyay in dadka noocaasi ah ay muteysan doonaan ciqaab adag oo aan cafis laheyn.

Dadka kasoo jeeda deegaanada Soomaalida iyo Oromada ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada isla markaana ka fogaadan carqalada ay ku hayaan amniga, isagoo Hay’adaha amaanka ku amray in sharciga ay horgeeyan dadka dhibta ku haya amniga.

Sidoo kale, nabada Ethiopia ayuu sheegay inay mas’uul ka yihiin dhamaan dadka ku nool dalka maadaama nabad xumo ay wada saameyneyso dadka dhan.

Geesta kale, Abiy Axmed ayaa dhinacyada dhaliilsan Siyaasada ay ku shaqeyneyso dowladiisa ugu baaqay in dhankooda ay ka raacan muwaadiniinta kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com