Wasiir Cabdullaahi Bidhaan oo guulo ku hoggaamiyey wasaaradda kalluumeysiga

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa guulo waa weyn ku tallaabsatay tan iyo markii xilka kala wareegay Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame .

Kahor inta uusan xilka la wareegin Cabdullaahi Bidhaan Warsame waxa ay Wasaaraddu u muuqatay mid hawleheedu hakad ku jiraan maadama aysan wada shaqeyn buuxda la lahayn Wasaaradaha iyada hoos yimaada ee Maamul Gobolleedyada, kuwaas oo markii dambe shaaciyey in ay xidhiidhka u jareen.

Hase ahaatee, isku shaandheyn uu sameeyey Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayuu xilkaas ugu magacaabay Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah siyaasi rugcadaa ah oo ay xirdhiidh wanaagsan leeyihiin Madaxda Dowlad Gobolleedyada.

Hadaba, Wasiirka oo xilka haya muddo ka yar laba bilood maxaa u hagaagay?

1 – Soo afjaridda khilaafkii Wasaaradda Kalluumeysiga kala dhexeeyey kuwa Maamul Gobolleedyada

Wasiir Bidhaan waxa uu magaalada Muqdisho ku casumay Wasiiradda Kalluumeysiga ee Maamul Gobolleedyada si meesha looga saaro khilaafkii kala dhexeeyey Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federal-ka ah.

Kullamo waa weyn oo ay yeesheen waxa ay ku xalliyeen khilaafkii iyaga oo isku gacan qaaday xafiiskiisa kaddib markii ay soo saareen war saxaafadeed lagu xusay heshiiskooda.

2 -Hagaajinta xiriirka hay’addaha caalamiga ah iyo Wasaaradda Kalluumeysiga

Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame waxa uu dardar galiyey isku xidhka hay’addaha caalamiga ah iyo Wasaaradda Kalluumesyiga ka dhexeeya si Kalluunka Soomaaliya u helo suuq caalami ah.

Waxa uu safaaradahooda kula kulmay Safiiradda Britain iyo Italy u jooga Soomaaliya waxa uuna kala hadlay sidii  Kalluunka Soomaaliya u heli lahaa suuqa Midowga Yurub, sidoo kale Britain waxa ay ballan qaaday in marka ay ka baxaaan Midowga Yurub, kalluuunka Soomaaliya loo iib geyn doono UK.

Sidoo kale waxa uu la kulmay safiirka Turkiga Soomaaliya u fadhiyey kahor inta uusan waqtiga ka dhammaan Bakar Oglan oo isna sheegay in Turkiga Soomaaliya ka caawin doono suuq geynta Kalluunka Soomaaliya.

3 – Dardar galinta shaqada Wasaaradda ee gudaha

Wasiirka waxa uu kulammo badan la yeeshay shaqaalaha Wasaaradda oo uu ka xog wareystay caqabadaha haysta.

Sidoo kale waxaa meel fiican maraya dadaalkii ay wasaaradda ugu jirtay in ay ugu guurto dhisimhii hore ee ay lahayd oo dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyey.