Aqalka sare ee Somalia oo u muuqda mid ku fashilmay dalabkii uu u diray Amisom

Muqdisho (Caasimada Online)  –Golaha aqalka sare ee dalka ayaa u muuqda kuwo ku fashilmay dalab ay ku doonayeen in xaruntooda lagu geeyo ciidamo ka tirsam AMISOM oo xaqiijiya amniga xarunta.

Sanatorada Golaha ayaa muddo dhowr jeer Taliska AMISOM ka dalbaday in ciidamo suga amnigooda ay ka howlgalshaan xaruntooda, hase yeeshee ma aysan helin Jawaab ku aadan dalabkooda.

Sanatorada Golaha ayaa shaki dhanka amaanka ah ka qaba xarunta ay ku shaqeeyan taa oo soo dadajisay inay dalbadaan ciidamo AMISOM ah.

Mid kamid ah xubnaha Golaha ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Taliska AMISOM ay u direen codsiyo dhowr ah oo ku aadan inay usoo diran ciidamo la socda amniga Xarunta, balse aysan helin wax jawaab ah.

Waxa uu sheegay in amniga xarunta ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada NISA, waxa uuna qorshaha Golaha uu ahaa in AMISOM lagu bedelo ciidamada xaruntaasi iminka jooga ee NISA.

Golaha aqalka Sare ayaa ku howlan xalinta Khilaafka ka dhex aloosan dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada, waxaana xusid mudan in xarunta ay tahay mid aad u mashquulbadan.

Sidoo kale, Xarunta Golaha ayaa dhinaca ku heysa dhismaha Xarunta Sirdoonka Somalia oo amaankeeda aad loo adkeeyay, waxaana suuragal ah in laga maarmo in xaruntaasi la geeyo ciidamo AMISOM ah.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan amniga xarumaha Dowlada ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo taabacsan Taliska AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com