DF oo cayaar siyaasadeed kaga guuleysatay Shariif lana wareegtay Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in dowladda federaal-ka Soomaaliya ay gebi’ahaanba la wareegtay gacan ku haynta ammaanka magaalada Baydhaba oo la filayo in bisha dambe ay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed ka dhacdo.

Baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa amnigeeda xooggiisa suga ciidamada Amison gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya.

Hase ahaatee, intii ay ciidamada Itoobiyanka ah ku sugnaayeen Baydhaba waxa uu taliskooda hoos tegi jiray saraakiisha Itoobiyaanka ah, gaar ahaan Tigrayga, kuwaas oo ay soo magacaabeen taliskii hore ee Ethiopia ee qowmiyadda Tigrayga oo iminka meesha laga saaray.

Taas, waxa ay sabab u noqotay in uu maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u adeegsaday caburinta siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo waliba in uu ka amar qaadan waayo dowladda dhexe ee Sooomaaliya.

Si kastaba, saraakiisha Tigrayga ayaa lagu warramayaa in iminka la beddelay, lana keenay kuwa ka amar qaadanaya dowladda federaalka, kadib markii arrintaas ay dowladda xiriir kala sameysay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com