Dhulkii ciidamada xoogga dalka oo la iibinayo (Yaa ka dambeeya qorshahan?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi oo ku magac-dheer Indha-qarshe, ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saaray qorshooyin uu sheegay in lagu doonaayo in lagu iibiyo dhulalka ciidamada.

Indha-qarshe, waxa uu sheegay inay la socdaan in shaqsiyaad gaara ay ku howlan yihiin iibinta dhulalka ciidamada Xoogga, waxa uuna ku goodiyay in dadkaasi lagu soo oogi doono danbi Qaran.

Waxa uu ka digay in dhulkaas la iibiyo,isla markaana aanan marnaba la aqbaleyn in dhulkii ciidanka ay dad Shacab ah iibsadaan.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada Xoogga ay dhulal badan ku leeyihiin min caasimad ilaa iyo Gobol, waxa uuna cadeeyay in dhamaantooda la doonaayo in ciidamada looga dhiso xirooyin inta lagu guda jiro 2019.

“Waxaa socda qorsho dib loogu dhisayo Xarumihii Ciidamada xoogga dalka waxaa jira dad ku sheekeeya in ciidamada aysan u baahneyn dhulalkooda burbursan adeer yaan been niila sheegin cidii laga iibiyaa dhul ay leeyihiin ciidamada waa laga qaadi doonaa”

Indha-qarshe, waxa uu sheegay inay jiraan Xarumo badan oo dalka ku yaalla oo uu ciidanku lahaa balse dad Shacba ah ay gacanta ku hayaan, isla markaana dowladda ay dayactir iyo dib u dhis ku sameysneyso lana doonayo in laga raadsado guryo kale.

Haddalka Taliyaha CXD Daahir Aadan Cilmi ayaa imaanaya xili inta badan dhulalka xirooyinka u ahaa ciidamada Xoogga ay guryo u yihiin dad shacab ah, halka ciidamadu ay yihiin kuwo aan heysan xirooyin ku filan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com