FARMAAJO iyo Kheyre oo galay olole doorasho iyo xisbi cusub oo Muqdisho…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in gudaha bishan October 2018 magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia looga dhawaaqo Xisbi cusub oo ay hoggaamin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Xisbigan ayaa waxaa isku dubaridkiisa ku howlan Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta gaaray Xarunta Guddiga doorashooyinka madaxa banaan.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka oo maraayay nidaamka dalka ayaa halkaa ka soo qaatay xeerka asxaabta siyaasadda iyo shuruudaha diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadeed iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay hanaanka sharciyeyenta xisbiga cusub.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mr. Mahad Guuleed oo warbaahinta qaar kula hadlay xarunta ayaa sheegay in uu xarunta ku maraayay sharciga axsaabta oo loo siman yahay.

”Xisbi weyn ayaanu soo wadnaa oo ah xisbiga xisbiyada, madaxweynuhuna uu hormuud u yahay, siyaasaddii guushii Febraayo-na lagu hogaamin doono”

Waxa uu Mahad Guuleed sheegay in gaaristiisa xarunta ay tahay si uu u guddoom xeerka asxaabta siyaasadda dalka, si loo waafajiyo Xisbiga dhowaan lagu dhawaaqo doono oo ay Hoggaamin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre.

Xisbiga talada dalka haya ayaa la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo, iyadoo in muddo ah soo socotay diyaar garowga Xisbiga dowladda ee (Nabad Iyo Nolol) oo la filayo inuu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Xisbiga diiwaan galintiisa ay socto ayaa waxaa la filayaa in loogu wanqali doono Nabad Iyo Nolol oo iminka ka dhaqan galay dalka oo idil.

Ololaha bilowga ah ee xisbiga Nabad Iyo Nolol waxa uu soo ifbaxay labo maalin un ka hor markii magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ah kaa oo uu Hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa muddo sannad iyo bar ah laga joogaa markii la doortay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xiligaasi oo ay Soomaaliya ka baxday ololihii doorashada ee muddada socday.

Si kastaba ha ahaatee, dadka aragtida fog ayaa qaba in DFS ay iminka ku mashquushay sidii dib loogu soo dooran lahaa si ay wax muuqda uga qabato amniga iyo dhisida ciidan qaran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com