Is-barbar dhig: Kalsoonida Farmaajo uu shacabkiisa ka haysto iyo tan ay haystaan madaxda kale ee dunida

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday hoggaamiyaha taageerada ugu badan ka haysta shacabkiisa marka lala barbar dhigo 10 hoggaamiyo oo dunida caanka ah.

Xog uruurin ama qiimeyn ay sameysay hay’adda IPSOS/Farsight Africa Research ayaa sheegtay in Madaxweyne Faraamjo shacabkiisa ka haysto tageero boqolkiiba 67 (67%) waaa sanadkan 2018 oo uu ku dhaw yahay sanad guuraddiisii labaad halka uu marka uu talada dalka qabtay uu haystay boqolkiiba 86 (86%).

Xogtan waxa ay muujineysaa in Madaxweyne Farmaajo haysto kalsooni shacab oo ka badan 10-ka hoggaamiye ee hoos ku xusan inta ay ka haystaan shucuubta ay hoggaamiyaan.

Dhinaca kale Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed tageero weyn ka haysta marka la eego qiimeynta ay sameysay isla hay’adda qiimeysay kalsoonida uu shacabka Soomaaliyeed ka haysto bulshada Soomaaliyeed.

Ra’usl Wasaare Xassan Cali Kheyre waxa uu haystaa boqolkiiba 62%, waana sanadkan 2018 halka 2017 uu haystay boqolkiiba 83%.

Walow ay caqabado waa weyn soo food saareen dowladda Soomaaliya ee ay gadh wadeenka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre, hadana waxa ay la yimaadeen waxqabad muuqda oo ay bulshadu u riyaaqday sida horumar dhinaca ammaanka ah, siyaasadda loo dhan yahay, hagaajinta hannaaka dhaqaale ee dalka iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Halkaan hoose ka akhriso Liiska Madaxweynayaasha uu ka taageero badan yahay Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com