Gudoomiyaha Daynille oo xilkii laga qaaday iyo qofka loo magacaabay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimadda Onilne) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online waxaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Dayniile Cabduweli Nuur Faarax.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Eng cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha.

Sidoo kale waxaa xilkaas loo magacaabay Maxamed  Abuukar Jacfar oo mar soo noqday guddoomiyaha degmada Howl-Wadaag iyo taliyaha Ciidanka xasilinta Caasimadda walow markii dambe la kala diray.

Ilaa hadda faahfaahin lagama bixin sababta keentay in xilka laga qaado mana lagu faahfaahin degreetada soo baxday.

Gudoomiyaha Xilka laga qaaday ayaa Guddoomiyaha Degmada Dayniile ahaa  wax ka yar lix bilood.

Wixii kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah