Is-faham 3 qodob ah oo laga gaaray habka loo sugayo amniga shirka Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heshiis laga gaaray dooddii ka taagneyd qaabka loo sugayo amniga shirka maanta ka dhacaya teendhada Afisyoone, ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in kadib kulan ay saraakiisha AMISOM iyo QM ee qaabilsan sugitaanka amniga la yeesheen saraakiisha Amniga Villa Somalia iyo kuwa Jubaland iyo Puntland, la isku raacay in dhammaan ciidamada Soomaalida ay banaanka ka joogaan teendhada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday inuu teendhada ka saaro ciidamadii uu horey u geeyey, ayada oo amniga guud ay la wareegeen ciidamada Amisom. 

Kulankii ugu dambeeyey ee ay xalay yeesheen guddi Amni oo ka socday shanta maamul goboleed, Villa Somalia iyo Amisom ayaa waxaa lagi go’aamiyay qodobada soo socda:-

1- In hoolka shirka ee Teendhada Afisyoone ay si buuxdo ula wareegto AMISOM, lagana saaro dhammaan ciidanka hubeysan ee Soomaalida ah, si gaar ahna laga saaro ciidankii ay horey u gaysay dowladda federaalka,

2- In gudaha Teendhada aan lala geli karin wax askar hubaysan oo wadata hubka muuqda, sidoo kalena madaxda oo ay ku jiraan kuwa dowladda federaalka ay ciidanka uga tagaan banaanka Teendhada Afisyoone.

3- In Madaxda loo ogol yahay inay teendhada la galaan ciidamada ilaalada gaarka ah ama loo yaqaan VIP Protection, oo ah kuwa dhar-cad ah oo hubkooda uusan muuqan, lana xadido tiradooda.

Arrintan ayaa timid ayada oo madaxda Puntland iyo Jubaland ay sheegeen inay aamin baxeen Farmaajo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda ay hotelka Maa’ida ku weerareen madaxweynayaashii hore ee dalka 19-kii February, ayaga oo sidoo kalena rasaas huwiyey shacab si nabdoon u dibad-baxayey, waxayna aaminsan yihiin in Farmaajo ay wax kasta ka suurtoobaan.