5 qodob oo xasaasi ah oo la isku hayo shirka maanta ka furmaya Afisyoone – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta teendhada Afisyoone ka furmaya shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, ayada oo shirkan ay goobjoog ka noqon doonto beesha caalamka.

Shirkan ayaa lagu sheegay mid horudhac u ah shirka guud ee wada-tashiga doorashada, waxaana go’aan looga gaarayaa ajendayaasha ay tahay in shirka guud looga doodo, taasi oo aysan isku raacsaneyn Farmaajo iyo madax goboleedyada taabiciyiinta oo dhinac ah, iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhinac kale ah.

Kooxda Farmaajo uu hoggaaminayo ayaa doonaya in ajendaha uusan ka bixin qodobada heshiiskii 17-ka September 2020, islamarkaana wixii dood laga keenay ee ku jiray qodobadaas dib looga wada xaajoodo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa iyagana ku doodaya in kadib heshiiskaas ay dowladda sameysya carqaladeyn badan, sidaas darteena wax kasta oo kadib dhacay ay tahay in laga wada-xaajoodo. Qodobada ay doonayaan in ajendaha lagu daro waxaa ka mid ah:

1 – Cidda guddoomineysa shirka wada-tashiga:
Farmaajo ayaa ku akeysanaya inuu weli madaxweyne ka yahay dalka oo ay tahay inuu shirka guddoomiyo. Inkasta oo aysan rasmi aheyn, haddana waxaa la rumeysan in beesha caalamka ay ogoleysiisay Deni iyo Axmed Madoobe inay arrintan aqbalaan.

1- Ciida ka qeyb-galeysa shirka wada-tashiga: Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa qaba in saamileyda siyaasadda lagu soo daro wada-hadallada, maadaama Farmaajo uu muddo xileedku ka dhammaaday, oo uu yahay iminka musharax la mid ah musharaxiinta kale, sida ay qabaan.

2- Dhacdooyinkii 19-ka Febraayo: Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa rumeysan in dowladda ay ku kacday xadgudub weyn markii ay weerartay musharaxiin madaxweyne iyo dibad-baxayaal nabdoon. Arrintan ayey u arkaan cabsi gelin saameyn karta doorashada, sidaas darteedna ay tahay in lagu daro ajendaha shirka guud, loogana hadlo.

3- Amniga doorashada: Weerarkii 19-kii Febraayo kadib, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ku doodaya in dowladda aaan lagu aamini karin amni doorashada, sidaas darteed ay tahay in ka hadalka arrintan lagu daro ajendaha.

5- Cidda damanad qaadeysa heshiiska: Dhinacyada ayaa la rumeysan yahay inay isla ogol yihiin in beesha caalamka ay damaanad qaaddo heshiis kasta oo la saxiixo. Farmaajo oo markii hore diidanaa arrintan, ayaa la rumeysan yahay inuu ugu dambeyn aqbalay.

Waxaa sidoo kale jira kara qodobo kale oo suurta-gal ah inay gadaal kasoo baxaan iyo kuwa ku jiray heshiiskii 17-ka September iyo kii Baydhaba ee 16-ka Febraayo, oo mar kale laga doodi doono, waxaana ugu weyn arrinta gobolka Gedo.