DF oo war kasoo saartay diyaaraddii sidday waftiga Imaaraadka ee la celiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka dambeysay diyaarad sidday wafti Imaaraati ah oo 30-kii bishii March loo diiday inay ka degto garoon ku yaalla magaalada Garacad ee gobolka Mudug.

Wafdiga Imaaraadka ee laga hor-istaagay booqashada Garacad ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxaana tan iyo markii ay dhacdadas dhacday ku gaadaamnaa su’aalo ku saabsan sababta iyo cidda celisay

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyey in diyaaraddaas ay ayaga celiyeen, sababta loo celiyeyna ay tahay mid amni, oo lagu ilaalinayayey bedqabka duulimaadka, sida uu yiri.

Oomaar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan ka war-heyn in diyaaradda ay saarnaayeen wafti Imaaraati ah, balse ay go’aanka qaateen markii ay heleen macluumaad ku saabsan in aan la isku halayn karin ammaanka garoonka Garacad.

“Waxaa marqaati ka ah shirkadda iyo rakaabka la socday in ay dareemeen amni ahaan in aysan diyaaradu ka degi karin garoonka Garacad, waana idin la wadaagi karnaa sawirro garoonka lagasoo qaaday,” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa imaneysa xilli ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Imaaraadka Carabta, oo marar badan ay dowladda ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa dowladda federalka ku eedeeyey in ay dano siyaasadeed uga faa’iidaysanayaan la wareegidda maamulka hawada Soomaaliya, xilli labada dhinac uu sidoo kale ka dhaxeeyo khilaaf ku saabsan qabashada doorashooyinka dalka.