Garowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in is rasaasayn xoogan ay caawa ka dhacday magaaladaasi, iyadoona ay baqdin ku dhalisay bulshada deegaanka.
Is rasaasayntan oo ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxay u dhaxeysay ilaalada Baarlamaanka iyo ciidan kale, oo sida la sheegay ka socday dhinaca Madaxtooyada Puntland.
Ciidamo isugu jira boolis, PIS iyo Daraawiishta Puntland ayaa la soo sheegaya in ay weerar ku qaadeen ilaalada Xarunta Baarlamaanka, kuwaa oo taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed.
Hal askari oo ka tirsanaa ciidamadii dagaalamay ayaa goobta ku geeriyooday, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray intii ay is rasaaseyntu socotay qof shacab ah.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda iminka gacanta ku haysa Xarunta Baarlamaanka Puntland, balse wararka ugu buuran ayaa sheegaya in ay ku sugan yihiin askartii horey u joogtay.
Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Garowe uu ka socdo olole la sheegay in mooshin looga keenayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, oo khilaaf uu kala dhaxeeya Madaxtooyada Puntland.
Inkastoo Isgaarsiinta Magaalada Garowe ay caawa ciriiri tahay ayaa hadana wararka ka imaanaya magaaladaasi ay sheegayan in is rasaasayntan ay baqdin ku abuurtay dadka deegaanka.
Reer Garowe oo xasilooni u bartay ayaa ku argagaxay rasaasta xoogan ee caweysnimadii caawa laga maqlay Xarunta Gobolka Nugaal.
Masuuliyiinta Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin is rasaasaynta khasaaraha geysatay ee caawa ka dhacday Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com