Is-rasaaseyn ka dhacday Dhuusamareeb, xilli caawa uu ka degay R/W Kheyre

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Is-rasaaseyn socotay mudo daqiiqado ah ayaa goor dhaw magaalada Dhuusamareeb ku dhex martay ciidamo ka amar qaata hoggaanka Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada.

Isku dhacaan ayaa yimid kadib markii ciidanka Ahlu-Sunna ay rasaas ku fureen gaari Cabdi Bile ah oo ku socday wadada hor marta xarunta INJI, oo ay deganyihiin hoggaanka Ahlu-Sunna.

Gaariga la rasaaseeyey waxaa watay ciidan Nabad sugid ah oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka, waxaana halkaas ka bilaabatay is-rasaaseyn mudo socotay.

Wali lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay is rasaaseyn taas u dhaxaysa ciidamadaas ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu-Sunna, waxayna ku soo aadeysaa iyadoo goor dhaw uu magaalada Dhuusamareeb soo gaaray Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Kheyre ayaa wax yar uun ka hor salaadii makhrib soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxuuna intii uusan ka soo amba bixin magaalada Muqdisho garoonka Aadan Cadde ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo loo qaaday dalka Qatar.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay sidii loo sii amba qaadi lahaa dhismaha maamulka Galmudug, oo soo maray dib yu dhacyo badan, waxaana maanta lagu waday in la shaaciyo liiska xildhibaanada cusub ee uu yeelanayo maamulkaas sida ku cadeed jadwalkii uu soo saaray guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug, balse ma dhicin oo markii labaad ayuu fashilmay jadwalka dhismaha maamulka Galmudug.