26 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Isbaheysiga Col. Barre oo si hordhac ah u aqoonsaday maamulka Jubba

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Sida warar soo baxaya ay sheegayaan isbaheysiga uu hogaamiyo Cornel Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”  ayaa si hordhac ah u aqbalay aqoonsiga  maamulka KMG ah ee Jubba ee Axmed Madoobe uu hogamiyo .

Isbaheysigan oo dagaal toos ah Kismaayo kula galay Hogaamiyaha Maamulka Jubba ayay Guddiga farsamada shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Muqdisho waxay sheegeen inay diyaar u yihiin Nabad ka dhalata Jubbooyinka

Sarkaal ka tirsan Isbaheysiga uu Barre Hiiraale Hogaamiyo ayaa sheegayinay aqoonsadeen  si hordhac ah Maamulka Jubba ee ka arimiya gobolada Jubbooyinka Axmed Madoobana uu majaraha u hayo.

Abuukar Macalin oo ah Sarkaal ka tirsan Isbaheysiga kasoo Horjeeda Axmed Madoobe ayaa Shaaca ka qaaday in  iyaga oo fiirinaya nabadgelyada gobolada Jubbooyinka ay si hordhac ah u aqoonsadeen maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay inaysan jirin wado ay kaga hor imaan karaan ama ay ku diidi karaan Maamulkaasi oo uu tilmaamay inuu aqoonsi iyo garab buuxo ka heysto dowlada Federaalka ah ee Somalia .

“Annaga iyo maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe waxaan isla go’aansanay in nabadda laga wada-shaqeeyo, sidoo kale heshiiska aan sida hordhac ah u gaarnay waxa uu dhigayaa in marka uu xilka ka dhamaado maamulka Axmed Madoobe ay dhacdo doorasho xor ah oo aan wax faragelin ah lagu sameynaynin” ayuu yiri Abuukar Macalin

Waxaa la qorsheynayaa in Shirka arimaha Jubbooyinka iyo Gedo oo maalintiisii Seddexaad galay in galabta lasoo gaba gabeeyo , iyadoona ay xusid mudan tahay in shirkan wajigiisa Labaad Kismaayo lagu qaban doonoi dhowaan .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News