Nairobi (Caasimada Online) โ Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa qodobo ka soo saaray shir ay shalay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Raโiisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Raโiisul Wasaarihii hore Cabdi Saacid Faarax Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka lagu goโaamiyay dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:
- In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
- In si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.
- In shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
- In shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta Qarannimada, Xasilloonida iyo Wadajirka dalka.
- In lagu bogaadiyo Dowladda Kenya kaalinta ay ku bixisay fududeynta iyo martigelinta shirka.
Fursad mise caqabad?
Qaar ka mid ah falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in kulanka mucaaradka iyo maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland uu keeni karo laba arrimood oo kala ah culeys iyo faaโiido.
Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ahna falanqeeye arrimaha Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa kulanka ku micneeyay sidan: โfursadna wuu keenayaa, caqabadna wuu keenayaa.โ
Isagoo sii sharraxaya labada arrimood ayuu yiri Maxamed Mukhtaar: โFursadda ugu weyn, sidaan la soconno bishii Maarso dhammaadkeedii, madaxweynuhu wuxuu ku baaqay madal uu rabo inuu kula tashado dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiinta. Balse siyaasiinta laftoodu ma aysan mideysneyn. Marka hadda, haddii qaar ka mid ah ay midoobaan oo ay hal cod ku hadlaan, waxay dowladda u fududeyn kartaa inay hal qolo la hadasho, taas ayaana ah fursadda.โ
Wuxuu intaa ku daray wasiirkii hore Maxamed Mukhtaar, isagoo ka hadlayay culeyska uga imaan kara dowladda: โArrintaan waxay abuuraysaa culeys ay rabaan inay helaan mid u dhigma kan madaxweynaha, oo ay ku xakameeyaan. Waxayna keenaysaa culeys mideysan oo ah dowlad-goboleedyadii iyo xubnaha mucaaradka.โ
Dhaqan soo noqnoqday
Kulanka xubnaha mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa sidoo kale muujinaya arrin aan ku cusbeyn siyaasadda Soomaaliya, sida uu sheegay Maxamed Mukhtaar, taas oo ah in mar walba oo dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu is qabtaan, ay mucaaradku la saftaan maamullada.
โMucaaradka ujeedadoodu waxay tahay inay xakameeyaan dowladda awoodeeda, iyo in xilliga kala guurka ah ay arrimuhu noqdaan kuwo loo siman yahay,โ ayuu yiri.
Is-biirsiga mucaaradka iyo maamul-goboleedyada ayaa sida muuqata keeni kara culeys mararka qaar hakad gelin kara tallaabooyinka dowladdu ku wajahayso dastuurka, doorashooyinka iyo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, sida uu qabo falanqeeyaha.
Sidoo kale, falanqeeye ahna wasiir hore Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in war-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka ka dhacay Nairobi lagu mahadceliyay Dowladda Kenya, arrintaas oo uu u arko inay muujinayso kaalinta sii kordheysa ee Kenya ku leedahay arrimaha Soomaaliya.
โMarka bayaanka ka soo baxay shirka Kenya loogu mahadceliyo, wuxuu muujinayaa doorka soo kordhaya ee Kenya ku leedahay arrimaha Soomaaliya,โ ayuu yiri Mukhtaar.
Ugu dambeyn, Maxamed Mukhtaar wuxuu soo jeediyay in labada dhinac โ dowladda federaalka iyo siyaasiinta mucaaradka oo ay ku jiraan maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland โ ay wada hadlaan si la iskula fahmo arrimaha khilaafka keenaya.
Wuxuu xusay in markii hore aragtiyadu kala fogaa, hase yeeshee aan cidna wax ka faaโiidin marka la eego halka khilaafku gaaray. Wuxuuna intaas ku daray in hadda ay qasab tahay, marka la eego xilliga kala guurka ah iyo sida muhiimka ah ee ay u tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado.
โWaxyaabihii waaweynaa wax lagama qaban, waxaana qasab ah in miiska wadahadalka la isugu yimaado si xilligaan kala guurka ah looga gudbo,โ ayuu yiri.