Isbedel ku yimid mowqifkii Qoor Qoor ee doorashada kadib tallaabo uu qaaday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Gaalkacyo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo doorto guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Qoor Qoor ayaa sheegay inay dooran yihiin xildhibaanadii ugu badnaa, islamarkaana loo baahan yahay in aan la lumin waqti kale oo dalka laga saaro hubanti la’aanta ka dhalatay daahista doorashada.

“Xildhibaanada dooran waa ku filan yihiin in doorashooyinka inta dhiman ay guda galaan, waa in deg deg haddana la doortaa guddoonka labada aqal, kadibna la doorta Madaxweynaha,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Sidoo kale waxa uu xusay in dhameystirka doorashada dalka ay ku xiran yihiin arrimo badan, kuwaasi oo kamid ah; La-dagaalanka Al Shabaab, dowladnimada iyo horumarka dalka.

Qoor-Qoor ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in deg deg lo soo xiro doorashada, xilli ay dhowr jeer ku yimadeen dib u dhacyo.

Hadalka Qoor Qoor ayaa imanaya saacado kadib markii uu si adag uga horyimid jadwalka Guddiga FEIT oo dhigayay in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna midaan muujinaysa in uu isbedel ku yimid mowqifkiisi hore.

Si kastaba, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Xulafadiisa ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay Garbahaarey ugu qaban lahaayeen doorashada 16-ka kursi, ka hor dhameystirka doorashada.