Jeneraal INDHA-QARSHE oo farriin xasaasi ah u diray dadka reer GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka oo dhawaan u safray Galmudug ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinkii uu ku soo arkay deegaanadii uu tegay, isagoo fariin u diray siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka deegaanada maamulkaas.

Indhaqarshe waxuu sheegay in Galmudug oo ah deegaanka ay ka yimaadaan siyaasiyiinta iyo dadka ugu cabqarisan Soomaaliya ay hadda ka jirto xaalad adag oo nasiib darro uu ku tilmaamay.

“Maanta Galmudug gobollada Soomaaliya ayadaa ugu liidata, waa halkii ay dowladnimada Soomaaliya ka aas-aasantay, laakiin waa nasiib darro xaaladda aan Galmudug ku soo arkay, dadka deegaankaas waxaan leeyahay war saan si maaha,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Waxuu sheegay in xoolihii ay u dhimanayaan biyo la’aan daran oo ka jirta deegaanka, wadooyin aysan jirin, xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho warkoodaba daa, “Dadku waxay iska sugayaan maalinta ay u dhimanayaan dhibaatada ka jirta deegaankooda, war waxaas laguma sii jiri karo,” ayuu yiri Indhaqarshe.

Waxuu sheegay in dad ka soo jeeda deegaanada Galmudug ee dhibaatadaas baaxada leh uu ku soo arkay ay iska joogaan Muqdisho iyo dalka dibadiisa, iyagoo dhaqaale heysta.

“War sidaan wax ka bedala oo dadka lamid noqda, la tartama dowlad goboleedyada kale, oo deegaankiina nabad u hela, maxaa isu dagaashaan mar kasta? War reer Galmudugow sida isku dhaama,” ayuu yiri Taliyihii hore ee Militeriga Soomaaliya.

Waxuu intaas ku sii daray in xoolaha iyo dadka biyo la’aanta u dhimanaya ee uu soo arkay dhulka ay ku nool yihiin hadii hoos loo qodo 7-Mitir oo kaliya in biyo macaan laga daba tegayo.

“Waxaa iga dhaadhici weysay xoolihii iyo dadkii biyo 7 mitir u jira ayey u baaba’een, maanta hadii 50-kii KM-ba ceel laga qodo, reer Galmudug dhaqaale badan uga bixi maayo, laakiin dadka deegaankaas waxaan ku eedeynayaa inay is dayaceen, waxaan leeyahay war isku noqda oo tashada, sidaan si maahee,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.