Xaliimo Yarey oo sheegtay qodob ka qaldan jadwalkii kasoo baxay Guddiga FEIT

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa markii u horeysay ka hadashay jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal.

Xaliimo ayaa sheegtay in jadwalka uu soo saaray Guddiga FEIT ay keliya ka qaldan tahay in “Guddiga oo kaashanaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaban-qaabiyaan xafalada dhaarinta xildhibaanada labada aqal.”

Qoddobka ay sheegtay Xaliimo in uu awood ka badan u adeegsaday Guddiga FEIT ayaa ah tallaabada 7-aad ee guddiga uu sheegay in uu qaadayo 14-ka bisha April.

Jadwalkaan ayaa waxaa si adag uga horyimid dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, taasi oo sida la fahamsan yahay salka ku heyso xurguf ka dhalatay natiijada kuraas lagu doortay Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo guddigu uu horay diiday, kuwaasi oo FEIT ku dooday in habraacii saxda ahaan aan loo marin doorashadooda.

Hoos ka aqriso qoraalka Xaliimo Yarey oo ay soo dhigtay barteeda Facebook.

FEIT iyo SEIT waajibaadkoodu waa kala cad yihiin oo marnaba iskuma qaldami karaan.

Wajibaadka FEIT waxaa ka mid ah in ay shaaciyaan natiijada ugu dambeeyso iyaga oo aan waxba ka bedelin natijada ay SEIT soo gudbiyeen haddii aayan jirin hakin ka timid Guddiga Qilaafaadka.

Dacwada waxaa soo curin kara Musharaxiinta ama kuwa uu matalo musharaxa (Odayaasha) haddii ay aaminaan in la gacan bidixeeyey.

Sidoo kale FEIT waxay isku dubarideysa dukumantiga Xildhibaanka soo guulaystay, waxayna siinaysaa shahaadadii Xildhibanimada kadibna faylka Xildhibaanka oo dhamaystiran waxay u gudbinayaan Xoghayayaasha Guud ee Barlamaanka.

Markii aay arintaas saas u dhacdo waxaa howsha la wareegaya Barlamaanka oo maamulaayo dhaarintii iyo doorashadii Hogaanka Barlamaanka.

Jadwalka ay soo saareen FIET waxaa igala qaldan qodobka ugu danbeeya oo sheegaya in Xafladda Dhaarinta Xildhibaanada aay qabanqaabinayaan FIET oo kaashanaya Xafiiska RW.