Militariga Mareykanka oo warbixin cusub kasoo saaray awooda kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Stephen Townsend oo wareysi siiyey Idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay awoodda kooxda Al-Shabaab iyo waxa u qorsheysan Dowladda Mareykanka.

Stephen Townsend ayaa sheegay in madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka uu la wadaagay digniin la xariirta halista ka dhalan karta awooda dagaalamayaasha Al-shabaab oo sii xoogeysaneysay waxii ka dambeeyay sanadkii bilawgii 2021.

Taliye Stephen Townsend ayaa sheegay in awooda Al-Shabaab ay si weyn usii korortay wixii ka dambeeyey markii ciidamada Mareykanka laga saaray gudaha Soomaaliya.

Wuxuu intaas kusii daray in Dowladda Mareykanka ay hadda wajaheyso cabsi la xiriirta in kooxda Al-Shabaab ay fuliso weeraro ka dhan ah danaha Mareykanka ee meelaha ka baxsan gudaha Dalka Soomaaliya.

“Waxaan tuhunsanahay in Al-Shabaab awood u leeyihiin in Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan meel ka baxsan gobolka, xitaa haddii ay ahaan lahayd Mareykanka, Washington si weyn loogama Aaminsano sirdoon ahaan balse dareenkeyga Taliye ahaan waxa uu ii sheegayaa in ay sameyn karaan Al-Shabaab sidaasi,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM.

Stephen Towsend wuxuu xusay in go’aankii ciidamada Mareykanka looga soo saaray Soomaaliya uu lahaa madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, wuxuuna ku sheegay inuu ahaa go’aan qar iska tuur ah oo hoos u dhigay awooddii ciidamada Mareykanka lagu yaqiinay.

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe ay kordhayeen weerarada dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah wadanka Kenya.