Isbitaalka WARSHEEKH oo xuduud jabsaday + Sawirro

Warsheekh (Caasimada Online) – Isbitaalka degmada Warsheekh ayaa noqday mid daboola baahida dadweyne ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo gobolada ku gadaaman oo dadka ku nool usoo adeeg doontaan.

Isbitaalkaani oo hirgelintiisa iska kaashadaan jaaliyadaha dibadda ee ku hahoobay dallada War-Mo-Cad international ayaa wuxuu daboolay baahidii hooyada iyo dhalaanka iyo in dadka deegaanka caafimaad u raadsadaan magaalada Muqdisho.

“Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in isbitaalka Warsheekh uu xudduudaha jabsaday maantana aan arkeyno in hooyo Soomaaliyeed oo ka timid Ceelbuur, gobolka Galgaduud lagu soo dhoweeyay si nabadgelyo ahna ugu umusho” ayey tiri Falastiin Xaaji Maxamuud oo ka mid ah guddiga Warmo-Cad ee isu xil saaray in dadka degmada Warsheekh iyo guud ahaan gobolka Sh/Dhxe helaan adeeg caafimaad, mid waxbarasho iyo biyo nadiif ah.

“Amaantaasi waxaa iska leh bahda War-Mo-Cad international kheyr Allaha kasiiyee, waxaan rajeynayaa in heerka maanta gaarsiisan yahay uu ka saro maro bi’idnilaahil, Ajar aan xisaab laheyn Rabbi haka siiyo muxsiniinta u taagan Isbitaalkaas Degmada Warsheekh” ayey intaa sii raacisay Falistiin.Isbitaalka degmada Warsheekh ayaa waxaa ka faa’iideysta hooyada iyo dhalaanka gobolka Sh/Dhexe iyo gobolada kale ee ku gadaaman, waxaana hirgelintiisa iska kaashay Ururka Warmo-Cad iyo jaaliyadaha ku mideysan ee Yurub iyo Ameerico.