Wasiir Cawad oo shaaciyey in Kenya ay Soomaaliya uga muhiimsan tahay dalalka kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo la hadlayey warbaahinta ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Cawad ayaa shaaca ka qaaday in xilligan ay Kenya muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya, islamarkaana ay Soomaali badan ay ku nool yihiin gudaha dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xittaa Kenya marka la bar-bar dhigo dalalka kale ee dariska ah ay uga muhiimsan tahay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay mar weliba qaadato go’aanno isku soo dhoweynayo dhammaan dalalka xiriirka la leh.

“Mar walba Soomaaliya waxaa ay qaadataa go’aamo isku soo dhawyen ah oo muhiim u ah dalalka Geeska Afrika si loo fududeeyo isku socodka ganacsiga iyo is dhexgalka bulshooyinka,” ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Adduunkii waa iskusoo dhowaanayaa, anagana waxaan nagala rabaa in aanan qol iskusoo xirin oo aan la socono isbedelada ka socda gobolka,”

Hadalkan ayaa ku soo aaday, iyadaa sanadihii u dambeeyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid aad u hooseeya, islamarkaana saameeyey dhaq-dhaqaaqa labada dal, kadib wixii ka dambeeyey dacwadda badda ee hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.