Isimada Puntland oo bayaan saddex QODOB ah kasoo saaray dagaalka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ayaa bayaan cusub kasoo saartay xiisadda dagaal ee ka taagan magaaladaasi, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur & barakac ay sameeyeen dadka shacabka.

Bayaanka ka soo baxay Isimada ayaa waxaa marka lagu sheegay inay aad uga xun yihiin khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay halkaasi.

“Waxay si dhaw ula socdaan xaaladda amni ee Magaalada Bosaso oo gashey mid dagaal, taas oo Sababtey, dhimasho, dhaawac, barakac baahsan iyo burbur hantiyeed, labadii maalmood ee u danbeysey,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Isimimada Puntland.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen illaa saddex qodob oo looga hortago dagaalka Boosaaso, waxayna kala yihiin:-

  1. In xabadda la joojiyo si shuruud la’aan ah
  2. In loo turo shacabka, lana caawiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada
  3. Waxaan ku adkeyneynaa.

Baaqan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso magaalada Boosaaso, si loo joojiyo dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi.

Wasiirka amniga ayaa xusay in Puntland ay haatan diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho PSF, si degenaan loogu dhammeeyo xiisadda haatan taagan.

Si kastaba, xaaladda Boosaaso ayaa maanta deggan, waxaana lagu soo warramayaa inay haatan dib u soo laabteen dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii