Puntland oo ku dhowaaqday go’aan lama filaan ah oo la xiriira dagaalka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Puntland oo goordhow shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey xaaladaha soo kordhay ee maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa marka hore ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso Boosaaso, si loo joojiyo xabadda ka dhaceysa magaaladaasi.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay haatan diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho PSF, si degenaan loogu dhammeeyo xiisadda haatan taagan.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xiriir ay la soo sameeyeen dad kala duwan oo Isimo iyo culimo ku jirto islamarkaana ka codsadeen in xabbada la joojiyo.

“Waxaan halkan baaq uga dirayaa cid kasta oo nabadda ka shaqeysa inaan ka dowlad ahaan aan hoggaansanahay, diyaarna aan u nahay wax alaala wixii wanaag ah oo xabadda lagu joojinayo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha amniga ee dowlad goboleedka Puntland.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in wixii mas’uuliyad ah, gaar ahaan dhibaatadii gaartay shacabka uu qaadayo agaasimaha xil ka laga qaaday PFS, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Go’aankan ayaa noqday mid lama filaan ah, maadaama horey maamulka Saciid Deni ugu goodiyey in aysan wax jil jileec ah u muujin doonin agaasimaha hay’adda PSF iyo ciidamada taabacsan, waxaana taasi ay sababtay dagaal ka qarxay magaalada Boosaaso.

Dagaalka oo galay maalintiisii labaad ayaa dhaliyey khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur  iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Si kasta, go’aanka Puntland ayaa qaboojinayo xiisadda, waxaana aad u soo dhoweeyey waxgaradka iyo inta badan shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta Bari.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii