WASIIR amray baaritaan ku saabsan kiiska dhul boobka ee lagu eedeeyey ROOBLE

Muqdisho (Caasimadad Online) – Wasiirka Gaanshaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa soo saaray amar baaritaan oo ku saabsan dhulka la sheegay in la boobayo ee ciidamada Badda Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo dhulkaas, islamarkaana uu si shakhsi ah guri uga dhisanayo, isagoo wacad ku maray in arrintaas aysan ogolaa doonin.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa amar ku siiyey Taliyaha ciidamada xoogga General Odawaa inuu baaritaan sharci ah ku sameeyo wararka soo baxay ee sheegayo in la boobayo dhulka ciidamada Badda ee ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Warqadda kasoo baxday wasiirka Gaashaandhigga, islamarkaana la ogeysiiyey xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Hanti-Dhowraha iyo Gar yaqaanka guud ayaa lagu yiri:

“Waxaa warbaahinta lagu faafiyey muuqaalo la sheegay in laga soo duubay Taliyaha ciidamada Badda kaasoo ku eedeenayo madaxda Qaranka oo uu Ra’isulwasaaraha kamid yahay inay ku lug leeyihiin dhulka Ciidanka Badda ee loo adeegsaday arrimo shaqsiyadeed, waxaa lagu farayaa taliye inaad baaritaan deg deg ah ku sameysid arrintaan, sidoo kalana aad ka qaadatid tallaabo waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerka ciidanka Xoogga dalka,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Kiiska dhulka Ciidamada Badda ayaa kusoo aadayo xilli la sheegayo inuu khilaaf cusub soo kala dhex galay madaxweynaha waqtiga ka dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana la rumeysan yahay in kiiskaan uu qeyb ka yahay cadaadis lagu hayo Rooble.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in eedda iyo weerarka ka timid taliyaha ciidamada badda uu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo oo ka careysan xeyrinta Rooble ee xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Wasiirka Gaanshaandhigga