Maryan Maxamed Xirsi oo u geeriyootay rasaastii ay ku fureen ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Maryan Maxamed Xirsi oo dhowaan ku dhaawacantay rasaas ay ku fureen ciidan ka tirsan kuwa dowlada oo xilligaas marayey isgoyska Foleransa.

Maryan ayaa aheyd ardayad wax ka barata Jaamacadda Banaadir, waxayna ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashada Jaamacadda, gaar ahaan Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka.

Marxuumadda ayaa xilliga rasaasta lagu furay ka timid isbitaalka Aadan Cabdulle oo ay ku laheyd Internaship, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka sare ee Jaamacadda.

Warka ka soo baxay Benadir University ayaa sidoo kale tacsi loogu diray ehellada marxuumadda, waxaana ay Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa.

Ciidamada dowladda ayaa bishaan gudaheeda ku dhowaad 5 qof siyaabo kala duwan ugu dilay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ku jiray gabar iyo wiil wada dhashay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maamulka Jaamacadda Benadir University ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN, Maryan kamid aheyd Ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ayadoona ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashadda.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) Gudoomiye kuxigeenada Jaamacadda, dhammaan Hormuudyada Kuliyadaha, Maamulka, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadda Benadir, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo qoyskii ay ka baxday Marxuumad (Marian Mohamed Hirsi ) oo saakay ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, ayadoo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray rasaas ay fureen askar hubeysan oo laamiga isgooska Foleransa marayay taariikhda marka  aheyd 11-12-2021 habeennimo Axad soogaleyso ayada oo katimd isbitaalka Aadan Abdulle Hospital halkaas oo ku mareysay internaship.

Marian waxa ay kamid aheyd Ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ayadoona ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashadda .

Waxaan ALLE uga baryeynaa inuu janadii Fardowsa aheyd ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii ay ka baxday samir iyo iimaan ka siiyo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii