DAGAAL xooggan oo saaka dib uga qarxay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa saaka mar kale dib uga qarxay magaalada Boosaaso, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo kuwa taliyihii hore ee ciidamada PSF Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dagaalka saaka ayaa billowday abaare shantii aroorninmo, waxaana magaalada aad looga maqlayaa hubka culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamadii shalay dagaalka isaga hor-yimid.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga socdo xarunta PSF oo ay ku sugan yihiin Jeneraal Diyaano, oo diiday xil ka-qaadis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey, iyo ciidamo uu wato.

Dagaalka ayaa dib u bilowday xilli ay socdeen dadaalo lagu doonayo in xiisadda taagan lagu dhammeeyo xal nabadeed.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la sheegay inay ka go’an tahay in lasoo xiro Jeneral Diyaano, isaga oo horey u sheegay in ciidamo dowladda iyo maleeshiyo hubeysan aanay wada joogi karin Puntland.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayeen 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay muujiyeen xogaha aan ka helnay goobaha caafimaadka.

Dad badan ayaa ilaa xalay ka bara kacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo cabsi ka qabay in dagaalku uu sii socdo, saameyna ku yeesho nabadgelyadooda.

Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaaladda Boosaaso.

Waxaa jira baaqyo ay dirayaan Culimada, Nabadoonada iyo waxgarad kale oo reer Puntland ah, balse ma jirto ilaa hadda wax horumar ah oo laga gaaray in la joojiyo dagaalka ka socda magaaladda Boosaaso.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii