AMISOM oo waqtiga loo kordhiyey & qorshihii DF oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyey qaraar ku aadan muddo kordhin horleh oo loo sameeyey ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika (AMISOM) ee haatan ka howl-gala gudaha dalka Soomaaliya.

AMISOM ayaa loogu daray saddex bilood oo dheeri ah, waxaana howl-galka la gaarsiiyey illaa 31-ka March ee sanadka soo socda ee 2022-ka, sida ay go’aamiyeen Goluhu.

Sida wadajir ah waxaa qaraarkan oo uu tirsigiisu yahay 2614 u ansixiyey 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, wuxuuna qaraarkani ciidamada AMISOM u ogolaanayaa in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee la xiriira howl-galkooda Soomaaliya.

“Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu Goluhu go’aansaday inuu oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa 31-ka Maarso 2022” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanka.

Sidoo kale wuxuu bayaanka intaasi kusii darayaa in AMISOM ay waajib ku tahay inay dhowrto qarannimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Wuxuu Goluhu oggolaaday in AMISOM ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka dowladaha ka qeyb galaya ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo ay ku jiraan sharciyada bini’aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo qarannimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda, sida ku cad faqradaha 12 iyo 13 ee qaraarkii2568 (2021)” ayaa la raaciyay bayaanka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ay dood adag ka taagan tahay qorshaha kala guurka AMISOM, isla-markaana dowladdu ku han weyn tahay in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka, marka ay bilaha soo socdo baxdo AMISOM.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay khilaaf xoogan, wuxuuna Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Midowga Afrika, kaas oo ay haatan diidan tahay dowlada federaalka Somalia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii