Sawirro: Dhallinyaro ‘kasoo goostay’ kooxda Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle waxaa galabta lagu soo bandhigay seddax dhalinyaro ah oo ka tirsanaa jiray kooxda Al-Shabaab.

Dhalinyarada lagu soo bandhigay Jowhar ayaa sheegay inay ka soo goosteen Al-Shabaab, iyagoo isku soo dhiibay ciidanka Nabad sugidda ee ka howlgalla gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Seddaxdaan dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabo Cali Cabdullaahi, Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed ayaa sababta ay isku soo dhiibeen waxay ku sheegeen in dhibaato badan ay kala kulmeen ka tirsanaanta Al-Shabaab.

Waxay sheegeen inay u adkeeysan waayeen dhibaatooyinka ay la kulmaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan ku jira dhulka howdka ah, iyagoo ugu baaqay dhallintada kale ee ka tirsan kooxda inay isku soo dhiibaan dowladda, si nolol taas ka roon ay u helaan.

Taliyaha Nabad sugidda ee magaalada Jowhar Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere) ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay la soo xariirtay sidaasna ay uga hor tageen.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalanta Al-Shabaab inay soo raacaan dhabaha ay mareen saaxiibadooda, ayna isku soo dhiibaan dowladda, isagoo balan qaaday in wax dhibaato ah aysan kala kulmi doonin hey’adaha amniga.