Isimida SSC oo shuruud ku xiray ‘si loo kala badbaadiyo’ Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa markale ka hadlay colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyaga oo shuruud ku xiray si ay u aqbalaan xabad-joojin lagu kala badbaadinayo labada dhinac.

Isimida ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inay aqbaleen xabad-joojin ay ka codsadeen ergadii dhawaan ka tagtey magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku xireen in Somaliland ay dhankeeda si buuxda u aqbasho, islamarkaana ay ciidamadeed kala baxdo gobolka.

“Waxa ay noo sheegeen in ay doonayaan nabad, inay doonayaan dhiiga dadka Muslimiinta ah in ay kala bad-baadiyaan, in ay doonayaan xabad-joojin. Anagu waanu ka aqbalay dhankayaga, waana aanu soo dhawaynay, wixii farsama ahna in laga wada-hadlo dhinicii kalena ay la aadaan” ayuu yiri Suldan Aw-Seed oo ku hadlayay afka garaadada SSC.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku rejo wayn yahay in dhex-dhexaadinta ay odayaashu isku xilqaameen ay guulaysato, islamarkaana ay magaalada Laascaanood noqoto goob nabdoon oo dadkii ka baro kacay ay dib ugu soo noqdaan.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay ergada madax dhaqameedka ee dhawaan Muqdisho uga yimid inay gacan ka geystaan dhex-dhexaadinta colaadda ka taagan Laascaanood ay dib ugu laabteen magaalada Garoowe kadib laba maalmood oo ay ku sugnaayeen Laascaanood.

Odayaashan ayaa wada dadaalo ay ku tagayaan magaalada Hargeysa, inkasta oo lasoo warinayo in xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ay diidan tahay dhex-dhexaadinta ay wadaan odayaasha kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay ku dhawaaqday Somaliland inay qaadeyso tallaabo milateri kadib muddo ay sheegtay inay ku jirtay is-difaac oo aysan ciidamadeedu weerar aheyn dagaalka socda labada billood ee xiriirka ah, sida uu sheegay milateriga Somaliland.