Al-Shabaab oo la shaaciyay inay bedeshay horjoogayaal iyo xiisad ka dhalatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bedeshay qaar kamid ah horjoogayaasha sar-sare, xilli ay deegaan dhowr ah ku lumisay dagaalka ka dhanka ah ee ka socda dalka, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda warfaafinta ayaa shaacisay in xog ay heshay xaqiijineyso in hoggaanka sare ee Shabaab uu Salmaan Mujaahir oo kasoo jeeda dalka Kenya uu hawl-gab ka dhigay, kuna go’doomiyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Salmaan Muhaajir oo ahaa horjoogihii Ajaaniibta ee kooxda ayaa waxa booskiisa lagu bedelay Jacfar Al-Sudaani oo kasoo jeeda dalka Suudaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Horjoogihii hore ee Ajaaniibta kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale laga jartay dhaqaalihii uu ka heli jiray kooxda, kadib markii la sheegay in loo saariyay hoos u dhaca dhaq-dhaqaaqa Ajaanibta ee dagaalka socda.

Xogta ay heshay dowladda ayaa intaas kusii daraysa in Ajaaniibta kooxda ay u kala jabeen laba garab oo kala taabacsan horjoogihii hore ee la go’doomiyay iyo horjoogaha cusub ee lagu bedelay.

Daba-yaaqada bishii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaalka shaacisay in hoggaanka kooxda Al-Shabaab u go’doomiyay horjoogayaal isugu jira Ajaanib iyo Soomaali, kuwaasi oo markii hore daacad u ahaa kooxda.

Horjoogayaasha go’doonka la galiyay xilligaasi ayaa waxaa kamid ahaa; horjooge Xasan Afgooye iyo horjooge Farxaan Kaahiye oo go’doon ku ah degmada Jiliba oo aysan dhaafi karin.

Xasan Afgooye ayaa kamid ahaa dadka aadka ugu dhawaa horjoogihii Shabaab ee ifka laga khaarajiyey Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane, wuxuuna si gaar ah ugu qaabilsan xagga cuntooyinka iyo biilasha.

Sidoo kale Farxaan Kaahiye oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa horjoogayaasha kooxda sida weyn daacada ugu ahaa ayaa isaguna hore u noqday horjoogihii ugu sareeyay waxa ay ugu yeeraan Jabhada.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa culeys xooggan kala kulantay dagaalka dhowrka nooc ah ee dowlada Soomaaliya oo garabsaneysa dadka deegaanka ay ku qaaday, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.